Ciidamo Farabadan Oo Tababar Soo Qaatay Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

13

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii ugu dambeeyay tababar ku soo qaadanayay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka  dib loogu soo dhaweeyay.

Cutub ka tirsan Ciidanka Darawishta Boliiska Soomaaliyeed oo mudo 3-bilood ah tababar heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdiaho ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka .

Tababarka Ciidankaan la siiyay ayaa waxaa bixinayay Macalimiin quburo ah oo ka socday Ciidanka Carabinieri-ga Taliyaaniga oo had iyo jeer gacan siiyo dhismaha Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed.

Soo laabashada Ciidankaan ayaa laga rajeynayaa inay qeyb ka noqodaan, howlgalada sugida Nabadgelyada iyo sifeynta wax loogu yeero Argagixisada.