RW Rooble oo u ambabaxay dalka Jabbuuti

5

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti oo uu uga qayb galayo caleemo-saarka Madaxweynaha  Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markale dib loo doortay.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa wafdigiisa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale.

Calleema saarka madaxweynaha Jubbuuti ayaa lagu casuumay madax kala duwan oo caalamka ka kala socota, iyadoo qaarkood ay gaareen dalkaasi