Muxuu yahay sharciga ka dhanka ah Islaamka ee ka carreysiiyey Erdogan?

6

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sharci cusub oo Faransiiska qorsheeyey in looga hortago wax loogu yeeray “gooni u goosashada Islaamiga ah”, kaasi oo uu ugu yeeray gowraca dimqoraadiyadda.

Sharcigan qabyada ah ayaa waxaa aad looga cambaareeyey gudaha iyo dibedda Faransiiska, ayada oo loogu yeeray mid lagu liidayo Muslimiinta, islamarkaana siinaya dowladda quwado cusub oo ay ku xadiddo hadallada iyo kooxaha diimeed.

“Anisixinta sharciga, oo si furan uga hor-imanaya xuquuqda aadanaha, xoriyadda diinta iyo qayimka Yurub, wuxuu noqon doonaa gowrac lagu sameeyey dimoqraadiyadda Faransiiska,” ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey Ankara.

“Sharciga cusub waxa uu kaliya u adeegi doonaa qadiyadaha xagjirnimada, wuxuuna cadaadis saari doona ururada aan dowliga ah, kuna qasbi doonaa dhallinyarada inay kala doortaan diimahooda iyo waxbarashadooda,” ayuu yiri Erdogan.

“Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Faransiiska, iyo si gaar ah madaxweynaha Macron inay u dhaqmaan si xakmad leh. Waxaan rajeyneynaa in si deg deg ah looga laabto sharciga.”

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu Faransiiska kala shaqeeyo arrimaha amniga iyo is-dhexgalka, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa dhowaanahan xumaa.

Dowladda Faransiiska ayaa ku guda jirta hanaan ay ku ansixineyso sharci wax looga qabanayo wax ay ugu yeertay “gooni u goosad Islaami ah,” kaasi oo dowladda siinaya awoodo dheeri ah oo ay ku baarto kuna burburiso ururada diimeed ee loo arko inay halis ku yihiin qaranka.