MW Farmaajo oo Muqdisho dib ugu soo laabtay, kadib safarkii Kampala

10

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar ay ku tageen dalka Uganddha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Kampala ugu qayb galay Munaasabadda Caleemasaarka dhiggiisa dalka Uganda  yoweri Museveni oo xilkaasi loo dhaariyay markiisii 6-aad.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Kambaala waxa uu kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii lagu casuumay Caleemasaarka.