Mareykanka oo gantaalo digniin ah ku riday doon ay leedahay Iran

9

Pentagon ayaa sheegtay Markab ka mid ah kuwa ilaaliya badaha Mareykanka inuu gantaallo digniin ah uu ku riday doomo ay leedahay Iraan oo si aad ah ugu soo dhawaaday Markab kuwa dagaalka ah oo marayey marinka Hormouz.

Pentagon waxay sheegtay 13 doomood oo kuwa dheereeya ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacanka ee dalka Iiraan iney Isniintii markaaiibta dagaalka Mareykanka ay u soo jirsadeen 140 mitir.

Pentagon waxay intaa ku dartay doomihi ciidamada badda Iiraan iney goobti ka tageen kaddib marki 30 gantaal oo digniin ah lagu riday.

Dhacdadan ayaa noqoneysaa tii labaad oo muddo laba toddobaad gudahood ah aagga marinka Hormouz ka dhacda.

Afhayeenka Pentagon John Kirby doomaha Iran wuxuu ku eedeeyey iney daandaansi kula kaceen maraakiibtooda dagaalka ee marinka Hormouz marayey.