Waare Oo Shaaciyay Wasaaraddo Xayiray Dhaqaale Beesha Caalamka Ugu Deeqday Fataahadaha

3

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta ku eedeeyay inay xayireen dhaqaale farabadan oo loogu tala-galay in wax looga qabto fataahadaha Wabiga Shabeelle.

Waare oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha Xukuumadda ay xayiraad saaran in ka badan 35 milyan dollar oo Beesha Caalamka ugu deeqday fataahadaha Wabiga.

Lacagtaan la xayiray ayuu tilmaamay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare inay sigaar ugu deeqeen wax ka qabashada daadadka fataahadaha Wabiga dowladdaha Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka.

Waa nasiib darro in ka badan 35 milyan dollar oo Arrimaha daadadka fataahadaha Wabiga Shabelle kaliya ugu deeqeen Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka inay xayiraan Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha Xukuumadda xilgaarsiinta” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Waare ayaa horey Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ugu eedeeyay in Maalaayin Dollar ka hor istaagay Maamulka Hirshabeelle, isagoona inuu sigaar ah ugala dagaalamay, uuna hor istaagay  Mashaariic ku baxeysay lacag dhan ah 250 Milyan oo dollar.

Mashaariicda la doonayay in la fuliyo Hirshabeelle ee uu Kheyre ka hor istaagay ayaa waxaa kamid ah dhismaha wadada Jowhar iyo Balcad, Msharuucii Talyaaniga ee fatahaada Baladweyne, Mashuurcii lagu dhisi lahaa Isbitaalada Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar iyo kuwii Dekadda Ceel-macaan iyo Cadale.