Puntland oo xukun dil ah ku riday xubno ka tirsan Al-Shabaab

4

Maxkamadda Ciidamada Puntland ee magaalada Galkacyo, ayaa xukun dil ah ku ridday  shan xubnood oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in shantan xubnood ay ku caddaatay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana dilal kala duwan ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacyo sannadihii u dambeeyay.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa xorriyadooda u celisay lix qof oo kale, kuwaas oo lagu waayay wax danbi ah, kadib markii looga shakiyay falal la xiriira Shabaabnimo