Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerar ka dhacay Afgaanistaan

1

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar loo adeegsaday qaraxyo ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Kaapul ee caasimadda dalka Afgaanistaan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynasaa qaraxyada argagixisada ee galaaftay ardayda aan waxba galabsan ee ka dhacay Caasimadda Kaabul ee Dalka Afgaanistaan,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo dowladda Soomaaliya ay ku baahisay barta Twitter-ka ee madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraalkan oo dowladda Soomaaliya ay garab istaag ugu muujisay dadka iyo dowladda Afgaanistaan ayaa intaas ku sii daray, “Waxa aannu garab taagannahay, murugadana la qaybsanaynaa shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan.”

Ururka Taliban ayaa weerarro dad badan galaaftay ka geysta dalkaas Afgaanistaan, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Kaabul.

Hey’adaha ammaanka dowladda Afgaanistaan ayaa shaaciyey in ugu yaraan 25 ruux oo arday u badan ay ku dhinteen qaraxaas, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.