Scotland oo qorsheynaysa in ay ka go’do Uk

4

Wasiirka koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa Sabtidii wacad ku martay inay horey u dhaqaajiso qorshe lagu qabanyo afti ku aadan in Scotland ay ka go’do UK, ayada oo sheegtay inaysan shaki ku jirin in doorashadii ka dhacday Scotland ay aqlabiyad ku heli doonaan kuwa taageersan madax-banaanida.

Ayada oo ka hor-imaneysa ra’iisul wasaraaha Britain Boris Johnson oo sheegay inuu xannibi doono codka goosashada, Sturgeon ayaa sheegtay inay nacasnimo noqon doonto in siyaasi ku sugan London uu isku dayo inuu xannibo codeynta.

“Dadka kaliya ee go’aan ka gaari kara mustaqbalka Scotland waa shacabka Scotland, mana jiro siyaasi ku sugan Westminster oo taas is-hortaagi kara,” ayey Sturgeon u sheegtay BBC TV.

Natiijooyinkii Sabtida ayaa muujiyey in xisbiga Sturgeon ee SNP uu markii afaraad oo xiriir ah xukumi doono Scotland, isaga oo helay 62 kursi oo ka mid ah 86 kursi oo natiijadooda la shaaciyey, kuwaas oo oo ka mid ah 129-ka kursi ee baarlamanka Scotland.

Hase yeeshee SNP ayaan heli doonin aqlabiyad, ayada oo la filayo inay ka dhinnaadaan hal ama laba kursi.

Xisbiga Scottish Greens oo sidoo kale taageeraya madax-banaani ayaa la filayaa inuu ku guuleysto qiyaastii 6 kursi, taasi oo Sturgeon ay shaacisay in madax-banaani doonka ay heli doonaan aqlabiyadda baarlamanka.

Ra’iisul wasarae Boris Johnson, oo dowladdiisa ay qasab tahay inay ansixiso aftida codeyna goosashada, ayaa marar badan ku celiyey inuusan ogolaan doonin, isaga oo sheegay in Scottish-ka ay 2014 u codeeyeen inay kusii jiraan UK.

Isku dayga ay Soctland uga baxeyso midowga UK oo ay England iyo Wales kula jirtay 314 sano ayaa ugu dambeyn waxaa go’aan ka gaari kara maxkamad.