Fanaanadii Muno Xidigta ee hobollada Waaberi oo geeriyootay

3

Allaha u naxariistee Fanaanadii Muno Daahir (Muno Xidigta) ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyey Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube Maareeyaha Golaha Murtida iyo madadaalada.

Allaha u naxariistee Muno Xidigta ayaa sida uu Abwaanku sheegay waxa ay u geeriyootay xanuun kusoo booday habeen hore, waxayna sakaraad kadib xanuunkaas u geeriyootay saakay aroortii.

Muno xidigta ayaa Ka tirsaneed Hobollada Waaberi Puntland, iyadoo markii dambe usoo wareegtay dhanka magaalada Muqdisho, sidaasna uga mid noqotay Hobollada Qaranka Waaberi oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.