Xildhibaan hore Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo maanta lagu aasay Muqdisho

17

Allaha u naxariistee meydka Ex Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo shalay ku geeriyooday Muqdisho ayaa salaadii Janaasada maanta lagula dukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee mahaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey, Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad, ku-simaha Ra’iisal wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ehallada Marxuumka, xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa ka qeyb galay kulankii salaada janaasada lagula dukaday marxuumka.

Salaaddii Janaasada kadib Allaha u naxariistee meydka marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa lagu aasay qabuuraha Isbitaalka xoogga dalka ee degmada Hodan.

Ehallada narxuumka ayaa beeniyay inuu u geeriyooday cudurka Coronavirus, dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay aaska meydka Allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ka tacsiyadeeyay geeridiisa.