Turkiga Oo War Kasoo Saaray Dib U Soo Celinta Xiriirka Somalia Iyo Kenya

2

Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay Go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ay khamiistii lasoo dhaafay dib ugu soo celisay xiriirkii ay la laheyd dowladda Kenya, kadib markii labada dal heshiis gaareen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay dib u soo laabashada xiriirkii diblomaasiyadeed ee horey uga dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Turkiga ayaa Qatar uga mahadcelisay dadaalkeeda ku aadan sidii uu dib ugu soo noqon lahaa xiriirka labada dal, isla marlaana ku boggaadisay dadaalladooda, iyagoona xusay inay sii wadi doonaan taageerto dadaallada lagu xalinayi khilaafyada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa arrimaha soo cusboonaaday ee la xiriirka dib u billaabidda xiriirka diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan uga mahad-celineyaa dalka Qatar dadaalladooda ku aadan hannaankan,” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dowladda Kenya, iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga iyo xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dal horey uga dhexeeyay.

Arrintaan ayaa ka dambeysay, kaddib Ergeyga Qatar ee Wasaaradda Arrimah Dibadda Qatar uu booqasho ku tagay Nairobi, lana kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo gaarsiiyay farriin uu ka siday Amiirka Qatar.