Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif iyo talyaha booliiska?

4

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo la socotay.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sugida amnigeeda.

Qoraal kooban oo bartiisa Facebook ku shaaciyay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ku yiri:

“Waxaa booqasho noogu yimid taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil kale oo la socotay, iyadoon ka wada hadalnay arrimaha Amniga doorashooyinka iyo ahmiyadda ay Boolisku u leeyihiin”.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Waxaan is hoga tusaaleyney muhiimadda ay u leedahay doorashada in la iska kaashado amniga, iyagoo noo balan qaadey in Ciidanka Boolisku ay dhex-dhexaad u yihiin murashaxiinta oo aan loo adeegsan doonin arrima Siyaasadeed”.