Maxkamadda ciidamada oo sii deysay laba ka mid ah ragii ku eedeysnaa dilka C/Xakiin Dhegajuun

12

Laba ka mid ah ragga loo heysto dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun ayey maanta xoriyadooda dib u siisay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fadhisatay dhageysa dacwadda kiiskan.

Labada askari ee lasii daayey ayaa kala ah Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi iyo Xasan Abuukar Maxamuud, waxayna ka mid ahaayeen todoba askari oo loo xiray kiiska dilkii guddoomiyaha.

Sida ay shaacisay Maxkamadu sii deynta raggan ayaa timid, kadib markii xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada uu sheegay inuu eedeyntii kala noqotay labadaas askari oo ka mid ahaa ilaalada Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Waaberi Maxamed Mooshin.

Sidoo kale waxay maxkamaddu sheegtay in labadaasi askari aysan qeyb ka aheyn ciidamadii furay rasaastii ku dhacday marxuum Dhegajuun.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhageysatay warbixinta guddi gaarka ahaa ee loo saaray, sida uu dhacay dilkii guddoomiyaha 21-kii Janaayo ee sanadkan.