Dagaal saakay markale ka qarxay Hiiraan

14

Warar ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay dagaal khasaare gaystay uu markale ka qarxay galbeedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Baladul-Nuur , waxaa uuna u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega deegaankaasi, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee gobolka Hiiraan Cusmaan Aadan Careys

Goobjoogeyaal ayaa idaacadda Kulmiye u sheegay in dagaalka saakay markale ka bilowday deegaanka Baladul-Nuur, islamarkaana dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan

Dagaal ayaa salka ku haya dhul beereed ku yaala deegaanka Baladul-Nuur ee galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.