Dowladda Soomaaliya oo dib u soo celisay xiriirkii diblumasi ee Kenya

2

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka heshiiyay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dal udhexeeyay, Islam markaasna dib u soo ceshtay xiriirkoodii.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta JFS ayaa ku dhawaaqay in lasoo celiyay xiriirkii iskaashigii iyo walaalnimadii labada dal.

“ Dowladda Soomaliya waxaa ay tallaabadaan u qaaday, iyada oo la eegayo farageli la’aanta Arrimaha Gudaha ee labada dhinac , sinaanta, wax wada qabsiga, & nabad ku wada noolanshaha ayuu yiri” Wasiir Alcadaala.

Wasiirka ayaa  u mahadceliyay Dawladda Qatar oo door muuqda ka qaadatay dhexdhexaadinta Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii Bishii December ee sanadkii 2020 ku dhawaaqday in xiriirka diblumaasiyaded u jartay dowladda Kenya, iyadoo ku eedeysay xad-gudubyo siyaasadeed iyo fara-gelinta isdaba joogga ah ee muddoonyinkii ugu dambeeyey ay ku haysay madax-banaanida Soomaaliya.