Maraykanka oo lagu wado in uu shaaciyo mas’uuliyiinta caqabadda ku ah qabsoomida doorshada

2

Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto, ayaa looga yeeray magaalada Washington ee caasimada dalka Maraykanka si wax looga waydiiyo xaaladda uu dalku ku sugan yahay waqti xaadirkan.

Danjire Yamamoto ayay wararka sheegayaan in si gaar ah wax looga waydiin doono dhinacyada ku lugta leh dib u dhaca ku yimid doorashada dalka.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Mr Yamamoto ayaa hadalkan ka sheegay kulan shalay wakiilada beesha caalamka ay layeesheen Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Donald Yamamoto oo sheegay in dowladda Maraykanka ay cabsi ka qabto in doorashada Soomaaliya ay dib usii dhacdo ayaa sidoo kale warbixinta uu Washintong la’aadi doono waxa uu ku sheegi doonaa  dadka ku lugta leh dib udhaca doorashada oo khatarna ku ah amniga dalka.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa wax yaabihii uu shirkii shalay ka sheegay kamid ah in dowladda Maraykanka ay markasta diyaar u tahay in uu Soomaaliya ka caawiyo kormeerka doorashooyinka. Waxa uuna ciidamada dowladda ku booriyay in ay xooga saaraan ladagaalanka al-Shabaab oo aysan ku mashquulin meelo kale.