Uhuru Kenyatta Oo Dhambaal Ka Guddoomay Ergeygii Qatar Ee Ka Tegay Muqdisho

10

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta ayaa Maanta Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa Ergeyga ka socday Qatar Dr. Mutlaq ka guddoomay farriin gaar ah oo looga siday Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Farriinta la gaarsiiyay Madaxweynaha Kenya, kadib dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dowladda Kenya

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka ay dib u soo celisay xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Kenya, isla markaana heshiis la gaaray.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa booqasho booqasho dhowr cisho qaadatay ku tagay magaalada Muqdisho oo uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Mucaaradka.

Dowladda Qatar ayaana galaangal u gashay soo celinta Xiriirka Somalia iyo Kenya, maadaama ay Qatar saami ku leedahay Shirkadda Talyaaniga ee ENI ee Sahminta Shidaalka ka wada Xuduud-baddeedka Somalia ee ay Kenya sheeganayso.