Maxay kawada hadleen RW Rooble iyo midowga musharixiinta?

7

Waxaa caawa afur ka dib, magaalada Muqdisho shir ku dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka socday golaha midowga musharixiinta oo hoggaaminayay Guddoomiyaha Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Shirkaan oo saacado socday ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno dowladda iyo qaar kamid ah musharixiinta, iyadoona looga hadlay arrimaha doorashooyinka, iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka taagan.

Shirka ayaa ah mid Midowga Musharrixiinta ay garab istaag ugu muujinayaan Ra’iisul Wasaare Rooble la wareegitaanka howlaha doorashooyinka iyo amniga.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa wada dadaalo lagu xallinayo dagaaladii dhammaadkii bishii hore ka dhacay Muqdisho, isaga oo kulamo la qaadanaya xubnaha mucaaradka.

Goor sii horreysay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shir isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada, kaasi oo looga hadlayo xalinta khilaafka doorashada.