DFS Oo Digniin Culus U Dirtay Siysaasiyiin Ku Howlan Fashilinta Dadaalada Nabadeed Ee RW Rooble

11

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa farriin u diray siyaasiyiin iyi shaqsiyaad uu sheegay in ay ku howlan yihiin iska horkeenid bulsho iyo qalalaase cusub oo dalka ka dhaca.

Wasiir ku xigeenka Wasaardadda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay dadaaladii ugu danbeeyay ee R/wasaaraha dalka uu waday, waxaana sidoo kale uu digiin u diray Siyaasiyiin uu sheegay in ay donayaan in ay fashiliyaan dadaaladii nabadeed Ra’iisul Wasaare Rooble waday.

Waxaa uu sheegay in ay ku howlan yihiin sidii mar kale Muqdisho dagaal uga dhici lahaa, waxaana intaas uu ku daray in ay wadaan arrimo bulshada aysan wax dani ahi ugu jirin, taasi oo abuuri karta ayauu yiri kala fogaasho iyo kalsooni darro ka dhex dhalata Bulshada.

Wasiir ku xigeenka Wasaardadda Warfaafinta oo farriinta Ra’iisul Wasaaraha Warbaahinta u akhrinayay ayaa tilmaamay  in xal laga gaaray arrimihii ugu waa weynaa ee siyaasiyiintu ka biyadiidsanaayeen, balse waxaa uu sheegay in wali ay jirto dhibato hor leh oo ay abuurayaan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad gaar ah oo howlan sidii ay gabi ahaanba u fashilin lahaayeen dadaaladii uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Rooble ee xalka looga garay arrimaha doorashooyinka iyo waxyaabihii khilaafku ka taagnaa ee ku aaddanaa intooda badani dhanka doorashooyinka.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay Wasiir ku xigeenka Wasaardadda Warfaafinta in siyaasiyiintu ay faraha kala baxaan arrimaha Ciidanka, isagoo kaga digay in ay qaadaan dhaq-dhaqaaqyo aan saacideyn arrimaha nabadda ee xukuumadda waddo Hormuud kana uu u yahay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale waxaa uu digiin u diray Ciidanka la kala saftay labada dhinac, kuwaasi uu ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan fariisimahoodii ay markii hore kasoo baxeen, ayna howshooda qabsadaan farahana kala baxaan arrimaha siyaasadda.