Dowladda oo digniin u dirtay qaar kamid ah siyaasiyiinta Mucaaradka

24

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in ay jiraan Siyaayisiin raba inay waxba kama jiraan ka soo qaadaan dadaalka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aadanaa xallinta shaqaaqooyinkii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo siyaasiyiintaasi faray in ay ka digtoonaadaan inay sameeyaan wax aanan saacideyn dadaaladii nabada ee la waday.

Al-Caddaala oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble uu maanta howlgaliyay guddi gaar ah oo loo xil saaray sidii ay u fullin lahaayeen amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in Ciidamada ka soo horjeeda dowldda sida ay ugu laabtaan xeryahooda.

Wasiir Alcaddaala ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu ku guda jiro sidii horey loogu dhaqaajin lahaa waxyaabihii uu ballanqaaday ee uu War-saxaafadeedkiisii shalayna ku sheegay, kedib markii uu Madaxweynuhu u xilsaaray dhaqaajinta hawlaha doorashooyinka iyo amniga dalka si dib loogu hagaajiyo qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Talaabooyinkii ugu horeeyay ee xooga la saaray waxa ay ahaayeen arimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isla markaana hadda la isugu yeeray madaxda maamul-goboleedyada si xal kama danbeys ah looga gaaro doorashooyinka dalka, ayuu yiri Wasiirka.