RW Rooble oo shir isugu yeeray madaxda D/gobolleedyada iyo G.Banaadir

5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka .

Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu 20-ka bishaan ka dhaco magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay afhayeenka xukumadda Soomaaliya Maxamed Macalimuu.

Maalintii sabtida ayay aheyd markii madaxweyne Farmaajo uu ra’iisul wasaare Rooble ku wareejiyay amniga doorashada muranka badan hareeyay.