Ciidamada ammaanka oo saakay jir dil u geystay shaqaalaha Idaacadda Mustaqbal

29

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo saakay arroortii galay xarunta Idaacadda Mustaqbal oo ka mid ah maxaliga ah ee ku yaala Muqdisho ayaa qaatay dhamaan qalabkii idaacada iyo qaar ka mid ah qeybta muuqaalada.

Sidoo kale ciidankaan ayaa jirdil iyo handadaad u geestay qaar ka mid ah shaqaalaha idaacadda, sida uu xaqiijiyay maamulka Idaacadda.

Guddoomiyaha ahna Agaasimaha Idaacadda Mustaqbal Axmed Ciise Guutaale ayaa KNN u xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay qaateen qalabkii yaalay xarunta, islamarkaana ay burburiyeen.

Waxaa uu sheegay agaasimaha in ciidamada ay jir dil u geysteen Weriye Bashiir Maxamuud Yuusuf(BK).