Uk oo cunaqabateen ku soo rogtay siyaasiyiin lagu helay musuqmaasuq

13

Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn saartay 22 shaqsi oo 14 ka mid ah ay u dhasheen Ruushka, kuna lug lahaa kiisas musuqmaasuq oo ku saabsan nidaamka cusub ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Shakhsiyaadkan ku kala baahsan Koonfur Afrika, Koonfurta Suudaan iyo Latin Amerika ayaa sidoo kale lala beegsaday hakinta hantidoodii iyo xayiraad dhanka safarka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Dominic Raab ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka UK inay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka musuqmaasuqa.

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay dalka inuu yahay “dheri malab ah” “jilayaasha musuqmaasuqa”.

Nidaamka cusub wuxuu ka dhigan yahay shakhsiyaadka “ku lug leh kiisaska ugu halista badan adduunka ee musuqmaasuqa” mar dambe awood uma yeelan doonaan inay lacagtooda soo mariyaan bangiyada UK ama soo galaan waddanka, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo Sooranka & Horumarinta.

Cunaqabateyn ayaa lagu soo rogay dadka ka yimid lix dal, oo ay ka mid yihiin:

  • 14 Ruush ah oo ku lug lahaa khiyaan weyn oo cashuureed oo uu kashifay qareenka, Sergei Magnitsky, oo markii dambe ku dhintay xabsiga
  • Saddex ganacsade – oo walaalo ah Ajay, Atul iyo Rajesh Gupta – oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ba’an oo ka dhacay Koonfur Afrika
  • Ganacsadaha reer Suudaan Ashraf Seed Axmed Xuseen Cali – oo loogu magac daray Al Cardinal – oo lagu eedeeyay lunsashada hantida qaranka ee Koonfurta Suudaan
  • Iyo seddex shaqsi oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ba’an oo ka dhacay Honduras, Nicaragua iyo Guatemala

Tani waa markii ugu horreysay ee Boqortooyada Midowday ay xayiraad ku soo rogto musuqmaasuq caalamiga ah.