Galmudug Iyo Hirshabeelle Oo Kasoo Horjeestay Muddo Kororsiga dawlada

33

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay muddo kordhinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa lagu caddeeyay in labada maamul ay kasoo horjeedan nuuc kasta oo muddo kordhin ah, isla markaana sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta labada ee la sameeyay.

Sidoo kale maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa shaaciyay inay isla garteen in dalka laga qabto doorasho Deg-deg ah, isla markaana la fuliyo heshiiskii 17-kii September la gaaray, lana joojiyo wax kasta oo caqabad ku ah heshiiskaas.

Madaxda dowlad Goboleedyada kale ayey u baaqeen inay fuliyaan kaalintooda kaga aadan heshiiskii 17 September, iyagoona Madaxda dowladda Federaalka ka dalbaday inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah heshiiska Sep.

Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa dowladda iyo Mucaaradka ugu baaqay inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo xasillooni darro dalka ka dhacda, waxaana Beeshs Caalamka ay uga mahadceliyeen dadaaladii kala duwanaa ay sameeyeen, kuwaasi oo ku aadan xal u helida khilaafka taagan.

 

Hoos ka Akhrsio Qoraalka kasoo baxay Galmudug iyo Galmudug.