Tallaalkii ugu horeeyay ee Malaariyada oo ka gudbay shuruudaha WHO

11

Tijaabada tallaalka cusub ee duumada ayaa natiijadiisa horudhaca ah ay 77% muujineysaa waxtar uu carruurta u leeyahay, taas oo khuburada caafimaadku ay rajeynayaan inay tahay horumar laga gaarayo soo saaristiisa.

Saynisyahanno ka tırsan Jaamacadda Oxford ee Ingiriiska ayaa sheegay in tijaabo socotay muddo sanad ah ay ka qeybgaleen 450 carruur ah oo ku nool dalka Burkino Faso ee Qaaradda Africa, isla markaana aan laga soo sheegin waxyeello caafimaad oo halis oo tallaalkani leeyahay intii lagu jiray tijaabadiisa.

Waa markii ugu horreysay ee tallaal cudurka kaneecada uu ka gudbo shuruudaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, taasoo khasab ka dhigaysa inuu 75% tallaalku waxtar leeyahay, si soo saaristiisa loo ansixiyo.

Cilmi-baareyaasha ayaa sheegay inay xilligan qorsheynayaan billowga tijaabada heerka 3-aad ee tallaalkan, taas oo ay ka qeybgali doonaan 4,800 oo carruur da’doodu u dhexeyso 5 bilood ilaa iyo 3 sano, kuwaas oo ku kala nool afar dal oo kala ah Burkina Faso, Kenya, Mali iyo Tanzania, waxaana tijaabadan hirgalinaya Machadka Serum ee dalka India iyo shirkadda tiknoolajiyadda Mareykanka ee Novavax.

Cilmi-baaristan waxaa hoggaaminaya agaasimaha machadka Jenner ee Jaamadda Oxford Adrian Hill, kana mid ah cilmi-baareyaasha hoggaaminaya tallaalka AstraZeneca ee COVID19, waxaana Hill wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in tallaalkan uu muujinayo natiijo isbadal weyn sameysa, isagoo sheegay in 140 iskuday oo hore oo u tartamay soo saarita tallalkan aanu midkoodna ka gudbin shuruudda 75% ee waxtarka tallaalka Malaariyada.

“Iskudaygii ugu horreeyay ee tallaalkan waxaan ku aragnay in uu 77% waxtarkiisu sarreeyo, waxaana rajeyneynaa inaan sii hormari karno, waa tijaabo waxtarkeedu muuqdo, waana horumar dhab ah” ayuu yiri Hill.

Duumada oo ah cudur halis, waxaa laga qaadaa qaniinyada kaneecada, waxayna sanad kasta ku dhacdaa malaayiin dad ah, iyadoo disha in ka badan 400,000 sanadkiiba oo badankood yihiin carruur yar yar oo ku nool Africa.

Haddii wareegga xiga ee tijaabada tallaalkan oo loo yaqaan R12/Matrix-M lagu guuleysto wuxuu isticmaalkiisu diyaar ku noqon doonaa laba sano gudahood.