Jaha-wareer ka dhashay lacago lagu lunsaday Turkiga

11

Shirkad labaad oo ka shaqeysa lacagaha dhanka online-ka ee loo yaqaan cryptocurrency ayaa joojisay ganacsigeeda gudaha Turkiga, kadib markii uu dhulka galay suuqa ay wax ku iibin jirtay.

Turkiga ayaa soo saaray waaran qabasho oo caalami ah oo loogu talagalay aasaasihii goobta ganacsi ee lacagta dhanka online-ka ah ee loo yaqaan ‘cryptocurrency.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in Faruk Fatih Ozer uu ula baxsaday Albania lacag gaadha7ya $ 2bn oo laga qaaday 391,000 oo maalgashadeyaal ah.

Booliska ayaa sidoo kale xiray 62 qof weeraradii waaberiga, sideed magaalo oo Turkiga ah oo lagu tuhmay inay xidhiidh la leeyihiin shirkada Mr Ozer, Thodex

Wararka ayaa sheegaya in ninkaa uu booliska u yeeray kadib markii ay gurigiisa ku soo xoomeen macaamiil ka caraysay in shirkaddu xirantay.