Dowladda Somalia Oo Kasoo Horjeeysatay Go’aano Kasoo Baxay Midowga Afrika

6

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qaar kamid ah Go’aamadii kasoo baxay Shirkii maalmo kahor Golaha Amniga iyo nabada ee Midowga Afrika ka yeesheen xaaladda Cakiran ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe oo Goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay siweyn uga soo horjeedo Go’aankii Midowga Afrika uga hor yimideen muddo kororsiga ay sameeyeen Golaha Shacabka, kuna tilmaamay Go’aankaas mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin.

Waxaa uu sheegay Wasiir Dubbe in dowladda Federaalka ay ka hortimid Go’aan kale oo kasoo baxay Shirkii Midowga Afrika ee ahaa in Ciidanka AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya looga baahan inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Ciidanka dowladda Federaalka, wxuuuna caddeeyay Dubbe in Go’aankaas uu yahay mid niyad jeb ku ah Ciidanka dowladda.

“Ma jiro urur cambaareyn karo dal madax banaan, waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada Soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka, Waa arrin la yaab leh qodobkaas waana sharci darro, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee AMISOM ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay golaha amaanka qaramada midoobay” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweeyay Go’aankii Arrinta Midowga Afrika uu Ergeyga ugu soo magacaabayo xalinta khilaafka Doorashada.

Isaga oo sii hadlaayay Cismaan Abuukar Dubbe aya waxaa uu markale dowladdaha Kenya iyo Jabuuti ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan Arrimaha dalka, isla markaana ay ka dambeeyeen Go’aankii kasoo baxay Golaha Midowga Afrika.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa dalalka Afrika ugu baaqay inay ilaaliyaan nabada iyo xaslloonida dalka Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin wax kasta oo ka horimaanaya Go’aankii Baarlamaanka Federaalka.