Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Degmada Xamar Jajab

13

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Xamar Jajab, kadib markii 17 bishan Abril la dilay guddooiyihii degmadaasi.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Mucaawiye Muudeey.

Guddoomiye Mucaawiye Muudey oo ah nin dhalinyaro ah ayaa hore uga soo shaqeeyay warbaahinta.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Dr Maxamed Cabdi Axmed Xeyle ayaa kooxo hubeysan ku dileen EX-Afgooye, xili uu ku sii jeeday gurigiisa.

Dilka guddoomiyaha ayaa waxaa sheegtay dagaalameyaasha Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in ay waddo baaritaano ku aadan ciddii ka dambeysay dilka Allaha u naxariistee Dr Xayle.