Madaxweynaha Puntland oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Sool

9

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Sool.

Gobolka Sool ayaa waxaa ku muransan Somaliland iyo Puntland, iyadoo dhowr jeer ciidamo kawada tirsan labada maamul ku dagaalameen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Hoos ka akhriso wareegtada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 oo uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Aadan Xaaji Maxamuud loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD