Ciidamada Puntland oo qabtay hub iyo dadkii watay

15

Laamaha kala duwan ee Amniga Gobolka Bari, ayaa xalay hawlgal qorshaysan ku qabtay koox rag ah oo hub iyo rasaas badan  watay.

War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in Laamaha kala duwan ee Ciidanka oo hawlgal wadajir ah fuliyay ay gudaha Boosaaso ay ku qabteen koox rag ah oo hub iyo raasas badan sitay.

Talisku wuxu sheegay in haatan baaritaan  ku socdo kooxda hubka lagu qabtay, islamarkaana dib laga shaacin doono natiijada baaritaanka ka soo baxda.

Hawlgalka waxa si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Booliiska, Nabad-sugidda, Madaxtooyada iyo Booliiska gaarka ah ee PMPF.