Dowladda Soomaaliya Oo Digniin Culus U Dirtay Kenya Iyo Jabuuti

5

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin Culus u dirtay Dowladaha Kenya iyo Jabuuti, oo ay sheegtay in ay carqaladeyn ay ku wadaan go’aankii kasoo baxay Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ka wada hadleen sidii dalka ay uga dhici laahyd doorasho qof iyo cod ah, taasi oo midowga Afrika ay gacan ka gaysanayaan, basle waxaa  wasiir Dubbe uu uu sheegay in  in Dowladda Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay wadaan olale dublomaasiyadeed oo ay doonayaan in ay cadaadis ku saaraan Guddiga Nabadda iyo amniga  Afrika, si Dowladda Soomaaliya aysan u taageerin muddo kordhinta ay sameysatay.

waxaa uu sheegay in dalal uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeya Soomaliya ay doonayaan in ay saameyn ku yeelan rabaan kulanka Guddiga Nabadda iyo aminga Afrikha, waxaana uu intaas ku daray in aysan Soomaaliya aqbali doonin faragalinta ay wadaan labada waddan ee Jabbuuti iyo Kenya.

Tan iyo markii ay Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muddo kordhinta u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo waxaa soo baxayay dadaalada ay xukuumaddo taageerada ugu raadinayso sidii loo taageeri lahaa, waxaana jira Dowlado uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo sido Kenya.