Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Shacabka Oo Maanta Geeriyooday

7

Allaha u naxariistee waxaa Maanta Magaalada Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo lagu magacaabi jiray Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsanayay Xildhibaan Gaandi, isagoo xanuunkii haayay uu ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla Paris, sida loo xaqiijiyay Warbaahinta Dalsan.

Geerida Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Xildhibaano, siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona Alle uga baryay Marxuumka inuu Janada ka waraabiyo.

Prof. Maxamed Gaandi ayaa kamid ahaa Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, kana tirsanaa Golaha Shacabka, sidoo kalena ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed ee aadka looga dambeeyo taariikhda Isirka Soomaalida.