Duqa Muqdisho Oo Maanta Kulan La Qaatay Safiirka Turkiga Ee Somalia

1

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Turkiga u qaabilsan Arrimaha Soomalaiya Mr. Mehmet Yilmaz.

Guddoomiye Finish iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Mashaariicda kala duwan ee lagu Horumarinaayo Bilicda Caasimadda gaar ahaan Dib u dhiska lagu sameynaayow Waddooyinka Muqdisho.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay Xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ah laba dal oo Wadaallo ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa Safiirka dalka Turkiga uga mahaceliyay sida wanaasagn ee uu u soo dhaweeyay, isla markaana waxaa uu Safiirka balan qaaday inay si wadida doonaan Mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Muqdisho.