Iiraan oo baahisay mid ka mid abaabulayasha weerarkii Natanz

2

Masuuliyiinta Iiraan, ayaa ku dhawaaqay maanta oo Sabti ah inay aqoonsadeen mid kamid ah tuhmanayashii abaabulay qaraxii xarunta Nukliyeerka Natanz, kaa oo Warbaahinta gudaha ay xaqiijisay inuu u baxsaday dalka dibaddiisa.

Telefishinka dowladda Iiraan, ayaa baahiyay warbixin xaqiijineysa in laamaha amaanka ay aqoonsadeen nin  lagu tumaya weerka warshadda Nukliyeerka kaa oo lagu magacaabo Reza Karimi, kaas oo la rumeysanyahay in uu ka danbeeyay weerarkii Natanz.

Wararka ayaa intaa ku daray in Reza Karimi, uu ka baxsaday Iiraan, ka hor weerarkii Natanz, weerarkas oo ay Iiraan ay ku eedaysay Israa’iil.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Mohammad Jawaad Dariif, ayaa Talaadadii sheegay in Israa’iiliyiintu ay sameeyeen fal aad u xun, oo weeqaya nabada gobalka.

Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in kormeerayaasheeda ay booqanayaan Natanz, duqeynta ka dib, iyaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah, sida sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.