Imaaradka Carabta oo shaqo u diiday haweynay Soomaali ah

14

Sida ay qortay Jariidada Monitor ee dalka Mareykanka, Saraakiisha dalka Imaaratka Carabta ayaa u diiday Haweeyney Somalia ah oo wadata dhalashada dalka Britten Shaqo ay ka heshay gudaha wadankaasi, arintaasi oo ay warbaahinta UK ku micneeyeen mid cunsuriyinimo ah oo ay Dowladda Imaratka kula dhaqaaqday Haweeyneedaasi.

Haweeynedan oo lagu magacaabo Saamiya ayaa u shaqa doonatay Iskuul ku yaala Imaaradka oo ay tilmaamtay inay marwaliba ku riyoonaysay inay ka shaqeeyso riyadaasna ay rumowday.

Shaqada markii ay heshay ayaa Laamaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dalka Imaratka Carabta waxa ay ku wargeliyeen in Xukuumada Imaaratka ay u diiday inay siiyaan warqada cadeeynta shaqada waxaana dib loogala laabtay shaqadii wadankaasi ay kaheshay.

Dowladda Britten ayaa ku eedeysay Imaaratka Carabta in Haweeyneedasi shaqada looga carqaladeeyay maadama ay tahay qof asal ahaan kasoo jeeda Somalia, Saamiya waxa ay tiri “waxaan ahay Soomaali balse waxaan kusoo koray kuna soo barbaaray dalka UK,Imaaratka waxa ay shaqada iigu diideen inaan ahay qof Soomaali ah”.

Iskuulkii shaqada ay kaheshay iyo Kaaliyaasha Agaasimaha Iskuulka ayaa qiray in lagu haystay shaqadana ay kuwaysay inay asal ahaan kasoo jeeday Soomaaliya.

Barta ay kuleedahay Twitterka ayay ku baahisay Samia ” waxaan run ahaantii dareemayaa niyad jab ma aqaan wax aan sameeyo, waxaa laiigu diiday shaqada inaan ahay qof Soomaali ah lama tixgalin Basaboorka Dhalasho aan ka haysto UK”.

Bishii November ayay ahayd marki Dowladda Imaratka Carabta ay joojisay Visihi dalka kugalka ay siin jirtay wadmo ay ku jirto Soomaaliya iyo 12 dowladood oo kale.

Sanado waxaa taagnaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaratka kaa ka dhashay siyaasada gudaha Somalia iyo Imaaratka lagu eedeyay inuu faragelin toos ah kusoo sameeyay arrimaha gudaha dalka.

Sanadkii 2019ki ayay ahayd markii saraakiisha Soomaaliya ay sheegen inay gacanta kusoo dhigeen shabakad basaas oo Imaratka u shaqeeysa.