Mareykanka iyo wadamada Yurub oo baadi goobaya diblomaasiyiin u dhashay Ruushka

5

Laba nin oo u dhashay dalka Ruushka oo looga shakisan yahay in Salisbury ay sanadkii 2018 ku sumeeyeen Sergei Skripal oo ka tirsanaan jiray sirdoonka dalka Ruushka ayaa haatan lala xiriirinayaa qarax ka dhacay meel lagu keydiyo hubka oo ku taal jamhuuriyadda dalka Czech, muddo haatan afar sano laga joogo.

Booliska dalka Czech ayaa shaaciyay sawirrada Alexander Petrov iyo Ruslan Boshirov, oo ay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacayay ay ku sugnaayeen waddanka. Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay laba qof.

Jamhuuriyadda Czech ayaa aargoosi ahaan dalkeeda ka ceyrisay 18 qof oo ah diblomaasiyiin Ruush ah.

Xildhibaan caan ah oo ka tirsan baarlamaanka Ruushka ayaa eedeyntaasi ku tilmaamay mid aan macquul ahayn.

Ra’iisalwasaaraha jamhuuriyadda Czech, Andrej Babis, ayaa sheegay in dalkiisu uu ku qasban yahay inuu ka falceliyo arrintaasi ah in qaraxaasi ay ku lug lahaayeen sirdoonka milatariga Ruushka ee GRU.

Shir jaraa’id ayuu Babis ka sheegay in 18-ka diblomaasi ee la ogaaday in ay u shaqeeyaan sirdoonka Ruushka ay haystaan 48 saacadood oo ay tahay in ay dalka kaga baxaan.

Booliiska ayaa sidoo kale soo saaray codsi ah in laga caawiyo raadinta laba shaqsi oo ay sheegeen in ay ku sugnaayeen waddankaasi intii u dhaxeysay 11 Oktoobar ilaa 16 Oktoobar sanadkii 2014, kuwaasi oo markii hore ku sugnaa magaalada Prague kaddibna lagu arkay aagga uu ku yaallay keydkaasi hubka.

Booliska Czech ayaa raadinaya tuhmaneyaal adeegsanaya aqoonsiyada Alexander Petrov iyo Ruslan Boshirov oo lala xiriirinayo qaraxaasi.

Magacyadani ayaa ah kuwii ay isticmaaleen laba sarkaal oo ka tirsan sirdoonka Ruushka oo dowladda UK ay sheegtay in sanadkii 2018 Salisbury oo UK ka tirsan ay ku sumeeyeen Sergei Skripal iyo gabar uu dhalay.