DFS oo sheegtay in la dilay madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada ee Shabeellada dhexe

3

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen inta udhexeeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay madaxii qaraxyada Gobolka Shabeelada dhexe u qaabilsanaa dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo mid kamid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale ciidamada ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad XDS Gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shitaqeey oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in weli ay socdaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaanada ay ku sugan Al-shabaab.