Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi

3

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ku geeriyooday magaalada Paris ee Dalka Faransiiska, halkaas oo mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay.

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Marxuum Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka tirsanaa Golaha Shacabka, waxa uu ahaa Xildhibaan Qaran Sidoo kalena ahaa nabadoon muddo ka soo shaqeeyay Arrimaha dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed oo uu ilaa hadda ka shaqeynayay, Wuxuu ahaa shaqsi ay Qaranimada wax walba kala weyntahay inta badan wakhtigiisana ku bixiyay dhisidda dowladnimada Soomaaliya rabbi naxriistii janno haka waraabiyo dhamaan guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo aan afkooda ku hadlaayo, qoyskiisa, eheladiisa iyo sidoo kale guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed samir iyo iimaan Allaha haka siiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Allaha u naxriistee Guddoomiyihii Guddiga dib u heshiisiinta iyo hanti isku celinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi ayaa sidoo kale ka mid ahaa Xildhibaannadii Baarlamaankii 9-aad, isagoo sidoo kalena horey u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Canada.