Dowladda Soomaaliya Oo Gacanta Ku Dhigtay Lacag Laga Keenay Kenya

1

Ciidanka Booliska Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho yaa maanta gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa lagu sheegay in lacagta sharci darrada ee lasoo geliyay dalka ay la socotay diyaarad ka timid Kenya.

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa waxaa uu sheegay in lacagtaan ay baatitaano kala duwn kuwa wadaan xiligaan Ciidamada Booliska dowladda, isla markaana natiijada ay la wadaagi doonaan shacabka.

“Lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka ayaa Ciidamada Booliska gacanta ku dhigeen, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya, Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa boggaadiyay Ciidanka Booliska ee ku sugan Garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo qabtay lacagta dalka lasoo geliyay, in kastoo aan la shaacin tirada lacagta.