Mahdi Guuleed Oo Maanta Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha Ee Somalia

2

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian.

Kulanka dhexmaray Mahdi Guuleed iyo Safiir Qin Jian ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale inta uu kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xiriirka labada ee dhinacyada Waxbarashada, Dhaqaalaha, Arrimaha Bani’aadminimada Iskaashiga dhanka amniga iyo la tacaalidda Cudurka halista ah ee COVID-19

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerida ay kala duwan ay siiso dowladda Federaalka.

Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka soo gaarsiisay tallaalka looga hortego Cudurka halista ah ee COVID-19 oo soo saartay, kaasi oo ay ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda.