Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Gaadiidka

2

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir ku-xigeenka Wasaasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, agaasimaha guud ee Wasaaradda, Maareeyaasha hay’adda duulista Hawada iyo garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Xirsi Aadan Rooble oo xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub ayaa ka warbixiyay howlaha muhiimka ah ee ka socda Wasaaradda, isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in rabbi ku guuleeyo mas’uuliyadda adag  ee u adeeggidda shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Duuraan Axmed Faarax oo ugu horreyn uga tacsiyeeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda geerida Aabbihii ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dalka,isagoo muujiyay inuu xoojinayo arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Wasaaradda.

“Wasaaraddan waxay muraayad u tahay dalka, waxaan doonaya inay doorkaa  muujiso.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Waxaan doonayaa dhammaantayo oo mid ah in is beddel wadajir ah aan halkan ku sameynayo.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gabagabadii sheegay in Wasaaradda ay muhiimad weyn u leedahay dalka, isla markaana laga sugayo Wasiirka cusub in uu wax badan ka qabto hagaajinta hannaanka isku xirka iyo horumarinta waaxyaha iyo adeegyada Wasaaradda.