Farmaajo oo ka hadlay sababihii fashiliyey shirarkii doorashooyinka

5

Madaxweynaha uu mudo xileedku ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareysi dheer oo uu siiyey telefishinka Shabeelle ayaa waxa uu intiisa badan uga hadlay fashilkii ku yimid wadahadalladii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo aan looga baran inuu bixiyo wareysiyada tooska ayaa la weydiiyey sababta uu u fashilmay wada hadalladii muddada dheer qaatay ee arrimaha doorashooyinka, waxaana uu ku jawaabay waxa ugu weyn ee la isku hayey ay ahaayeen seddax qodob oo kala ahaa arrinta gobolka Gedo, guddiyada doorashooyinka iyo arrinta Somaliland, hayeeshee madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa mar walba keenayey seddex qodob oo leh oo noqonaya shuruudo adag.

“labada Madaxweyne ee Deni iyo Axmed Madoobe waxa ay fulinayaan dano shisheeye, waxaa dhacday in ay u duulaan Abu Dubai, muddo laba bil ahna aan raadinayey maxaa yeelay teleefannada ayeey dansadeen, markii aan codsaday in aan Garoowe shir ku qabanno Deni ayaa diiday, Baydhabo, Muqdisho ugu dambeynna Dhuusomarreeb, laakiin nasiib darro markii aan damacsaneyn in shirka Muqdisho xal lagu gaaro isla markaana aan saxiixno fulinta heshiiskii 17-kii September waxa ay hadana keeneen shuruudo dheeraad oo ay ka mid yihiin in beesha caalamka shirka garwadeen ka noqoto, in taliyeyaasha ciidammada iyo Barlamaanka la kala diro iyo in madaxdii hore shirka ka soo qeybgalaan, taasna iyaga awood uma lahan inkastoo aan ogollaa in madaxweyneyaashii hore shirka ka soo qeybgalaan”ayuu yiri.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in go’aanka Golaha shacabka uu gaaray 12-kii April in uu yahay mid ay u madax bannaanaayeen isaguna uu u arko mid ka turjumaya rabitaanka shacabka.

Mar uu ka hadlayey dowladaha soo farageliya siyaasadda Soomaaliya ayuu sheegay in Kenya ay dhib badan ku heysay dalkaan dhaqaale Soomaali leedahayna ay Kenya iska cunto, taasna aan la qaadan karin, waxa uu carrabka ku dhuftay in Soomaaliya iyo Ethiopia ay is fahmeen maadaama dalkaas uu ka dhacay isbaddel weyn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Eedda mucaaradka ee ah in ay ku tilmaamaan keligii talis in aysan sax aheyn, waxa uu sheegay in aysan jirin siyaasi ama saxafi u xiran dowladdiisa, isla markaana aanan la cabburin shacabka iyo siyaasiyiinta, sidaa darteedna ay magac kale u raadiyaan.

Waxa uu ugu dambeyn sheegay in muddada labada sanno ah doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karo, dalkana looga xorreyn karo Al-shabaab laakiin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka laga rabo in ay keenaan khariiradda doorashadaas.