Deni iyo ku xigeenkiisa oo maanta hor tegay baarlamaanka Puntland

16

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hor tegay baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, waxaana kulankaas banaanka looga saaray saxaafadda iyo shaqaalihii kale ee ka soo qeybgalay kulanka.

Ujeedka kulankaas ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu warbixin is-xogwareysi iyo la-tashi ah la yeelanayo xildhibaanada Puntland, waxaana Saciid Deni kulankaas ku wehliyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal kooban oo ay ka soo saartay kulankaas waxaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta hortagay Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland. Kulanka ayaa ah mid ay albaabadu u xiranyihiin. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha Wakiilada la qaadanaya xogwareysi iyo wadatashi ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo  mowqifka Dowladda Puntland ee ku aadan muddo kordhinta sharci darada ah ee uu sameystay Madaxweynihii DFS ee Wakhtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”