Axmed Madoobe bedalay saraakiishii ugu sareysay ciidamada Jubbaland

10

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah saraakiisha taliska ciidanka booliska iyo nabad sugida Jubbaland, isagoo u magacaabay saraakiil kale.

Wareegto maanta kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa Taliyaha Booliska Jubbaland loogu magacaabay G/Sare Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/Sare Maxamed Guuleed Xasan.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Agaasimaha hey’adda nabad sugida u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, halka Taliyaha ammaanka garoonka Kismaayo uu u magacaabay saraal ka tirsanaa ilaaladiisa.