Axmed Madoobe: Waxaan maanta ku suganahay xaalad adag oo aad looga xumaado

3

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland kulan kula qaatay guriga Martida ee magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay xaalada siyaasadeed ee dalka.

Axmed Madoobe ayaa ku dheeraaday ka hadalka fashilkii ku yimid shirarkii looga hadlayey hir-gelinta doorashada dalka ee u dhaxeeyey madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhammaan wixii fashil ku yimid wada xaajoodkii doorashooyinka Soomaaliya, waxuu Axmed Madoobe dusha ka saaray madaxweynaha waqtigu ka dhamaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Waxaan rabaa reer Jubbaland iyo guud ahaan Soomaali inaan u sheego war hala tashado, meesha wadankan uu ku socdo waa gud madow, madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday kaliya kursiga ayaa u muuqda… Soomaaliya waxaan ku tali lahaa dib ha isku fiiriso, waxgaradkeeda iyo cushaaqeedu haka fariisteen arrinta dalka, reer Jubbaland waxaan leeyahay waxaad ka tashataan oo aad is weydiisaan, waxa meeshaan idinkaga soo socdaa iilama muuqdaan natiijo fiicane,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay inuu quus ka taagan yahay hanaanka ay dowladda madaxweyne Farmaajo u maamuleyso dalka, isagoo cabashada ugu badan ka muujiyey ciidamada dhawaan la tababaray ee dowladda dhexe.

“Reer Jubbaland waxaan leeyahay aan isku tashano dadka ra’yi badan ayaan weydii doonaa, kulamada waan badi doonaa, laakiin maanta waxaan ku suganahay xaalad adag oo aad looga xumaado, mana ahan halkii maanta Soomaaliya laga sugayey, sidaas darteed dalkaan hadii uusan doorasho gelin… waxaan ku tala geli doonaa inaan doorasho u diyaar garowno, difaaca aan adkeysano, Al-Shabaab-na aan la dirirno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii waxa uu fariin u diray ciidanka Qaranka, “Ciidanka Qaranka Soomaaliyeedow waxaa la idiin dhisay difaaca dalka, la dagaalanka argagixisada, sugidda ammaanka, laakiin la idiinma dhisin in dalka la idinku burburiyo, la idinku cunaqabateeyo, saraakiisha ciidamada waxaan leeyahay haka fiirsadeen amarada la idin siinayo, ku dayda Saadaq Joon, diida amarrada guracan oo dalkiina u shaqeeya,” ayuu yiri.