Saadaq Joon iyo ciidamo uu wato oo dib ugu laabtay xaafada Shiirkoole ee Muqdisho

3

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John uu dib ugu laabtay Xaafada Shiirkole, isaga iyo gaadiid dagaal uu wato.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay ka gudbeen barta koontarool ee Wadada Jaayga, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoogleh geysay, si ay u go’doomiso.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay inuu xoog ku gudbay ,islamarkaana uu tagay Xaafada Shiirkole ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Senoter Abshir Bukhaari oo ah guddoomiye ku xigeenka aqalka sare iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ay tageen xaafada Shiirkoole.