Deni oo caawa kulamo looga hadlayo Jahwareerka ka taagan dalka ka wada Garoowe

16

Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullahi Denni ayaa caawa kulan wada-tashi ah Madaxtooyada kula leh Aqoonyahanada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee reer Puntland.

Wada-tashiyada kadib markii ay soo gabagaboobaan Dawlad goboleedka Puntland waxay soo saari doontaa war ku saabsan mowqifkeeda muddo kordhinta sharci darada ah ee uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Beri ayaa la filayaa in Deni uu hortago baarlamaanka Puntland