Dagaal beeleed saakay ka socda Gobolka Sool

6

Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed , ayaa mar kale saaka dib uga qarxay ceelka Dhabar-dalool, oo koofur kaga beegan degmada Duddun ee Gobolka Sool.

Daryanka rasaasta culus oo laba dhinac ah, ayaa laga maqlayaa goobta dagaalka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Goob-joogayaal ku sugan tuulada holhol oo ku dhow nawaaxiga dagaalku ka socdo, ayaa laga soo xigtay in dagaalku hadda jihooyin horleh ku fiday, balse faahfaahin kale ma jirto.

Anteenada isgaarsiinta ayaan sidoo kale laga heli karin dhulka lagu dagaallamayo oo ka tirsan didibta nugaaleed oo aad joogeedu u hooseeyo.

Colaaddan waxa saacadihii u dambeeyay baaqyo nabadeed ka soo saaray dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto xukuumadda Puntland