Dad Hor Leh Oo Cudurka COVID-19 Ugu Geeriyooday Somaliland

6

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in dad hor leh oo qabay ay Cudurka halista ah ee COVID-19 maalmihii lasoo dhaafay ay ugu geeriyoodeen Somaliland, halka dad kalena uu soo ritay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in 11 maalmood gudahood ay Cudurka halkaas ugu dhinteen in ka badan 60 qof oo kamid ahaa dadka uu horey ugu dhacay.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay inay jiraan dad hor leh oo uu COVID-19 ku dhacay, isla markaana cudurka haatan uu muuqdo mid siweyn ugu sii faafaya gudaha deegaanada Somaliland.

Bulshada ayey ugu baaqeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, si looga hortego faafida Cudurka lana joojiyo isu imaatinada bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi ayaa shacabka ugu baaqay inay salaada Taraawiixda ku tukadaan guryarooda, maadaama Cudurka uu sii faafayo, loona baahan yahay taxadar.